Home Wararka Caalamka Nin Xubinta Taranka ka jaray 8 Nin oo lagu Maxkamadeenayo Dalka Germalka

Nin Xubinta Taranka ka jaray 8 Nin oo lagu Maxkamadeenayo Dalka Germalka

0

Nin Jarmal ah ayaa ka soo muuqday Maxkamad ku taalla magaalada Munich ee dalka Jarmalka, kaddib markii lagu eedeeyay inuu qof dilay, isla markaana uu jir dil u geystay dad kale, kaddib markii uu qalliin sharci darro ah kaga sameeyay xubintooda taranka.

Eedeysanaha oo 66-jir ah, oo aan la aqoonsan sababo qarsoodi ah, ayaa Maxkamadda ka sheegay inuu qalliinka ku sameeyay codsi uga yimid raggaasi.

Eedaysanuhu wuxuu muujiyay in uu markii hore u soo bandhigay inuu bixiyo adeegyo galmo oo ku saabsan “sadisism and masochism” websites si uu u ururiyo lacag si uu isaga bixiyo deymaha.

Waxayna wakaaladda wararka ee Jarmalka sheegtay in ninkani markii dambe balaadhiyey adeegiisa isagoo qalliin ku sameeyey halkaas oo uu dhibanayaashiisii ​​ugu sheegayey inuu yahay dhakhtar xirfad leh.

Eedeysanaha ayaa qirtay in xubinta taranka ragga laga gooyay 8 nin intii u dhaxeysay xagaagii 2018 ilaa gu’ga 2020, balse wuxuu beeniyay inuu ka dambeeyay dilka nin dhintay maalmo ka dib markii eedaysanaha uu qaliin ku sameeyay.

Booliska ayaa meydka dhibbanaha ka helay sanduuq saddex toddobaad ka dib dhimashadiis

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here