Home Wararka Maanta Norway: Haweeney u Shaqeysa NAV oo lagu Xukumay Galmo ay la sameysay...

Norway: Haweeney u Shaqeysa NAV oo lagu Xukumay Galmo ay la sameysay Nin Qaxooti ah iyadoo Shaqadeeda u isticmaaleysa

0
Foto: Gorm Kallestad / NTB

ugu danbeyn Xukun ayaa laga gaaray Haweeney 50 sano jir ah oo lagu eedeeyay in ay awooda shaqadeeda u isticmaasho nin Qaxooti ah si ay uga hesho Galmo.

Ninkan oo 30 sano jir ah kana soo jeeda Dalka Suuriya ayaa doonayay in uu walaalkiisa keeno Dalka Norway waxana kiiskiisa gacanta ku hayay Haweeneydan oo markii danbe ugu faa’ideysatay in ay ka hesho galmo.

ugu danbeyn ayuu balan ka qabsaday qeybta NAV waxana uu u sharaxay dhibaatada uu dareemayo iyadoo intaasi kadib baaritaan la sameeyay.

Haweeneyda ayaa dhankeeda sheegtay in ninkan uu galmo xoog ah la sameeyay lakin baaritaan kadib waxaa lasoo saaray xukun ku aadan labadooda.

Maxkamada ayaa 14 bilood ku xukuntay naagtaasi waxaa kaloo lagu amray bixinta lacag dhan 100,000 kr Nok oo magdhow ah.

Hadalkii ay ka sheegtay ninkan ayaa lagu tilmaamay mid aanan waxbo ka jirin oo ay soo buun-buunisay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here