Home Wararka Caalamka Muwaadin Somali ah oo lagu Dilay Caasimada Denmark ee Copenhagen

Muwaadin Somali ah oo lagu Dilay Caasimada Denmark ee Copenhagen

0
Foto: Olafur Steinar Gestsson/Ritzau/TT

Wararka laga helayo dalka Denmark ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay magaalada Copenhagen ee caasimadda u ah dalkaas.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Rabiile Shire Xuseen ayaa habeen hore lagu dilay magaaladaasi, iyadoona dilkiisa loo adeegsaday toorey. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay laba qof u soo xireen dilkiisa.

Liibaan Shire Xuseen, oo la dhashay marxuumka, ayaa sheegay in walaalkii uu deganaa Magaalada Odense, markii la dilayayna uu caasimadda Copenhagen ku booqanayay walaaladii oo degan.

“Rabiile da’diisu waxay ahayd 48 sano, wuxuu deganaa magaalo la yiraahdo Odense, wuxuuna ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Copenhagen,” ayuu yiri Liibaan Shire oo VOA la hadlay.

Liibaan Shire ayaa sheegay inaanay garanayn sababta ka dambeysa dilka walaalkii, balse ay boolisku xaqiijiyeen in ay laba nin u soo xireen falkaasi.

“Illaa hadda annaga ma ogin sababta loo dilay, laakiin booliska siday xaqiijiyeen, waxay sheegeen in ay laba nin kiiskaasi u soo xireen, maadaama ninkani mindi la geliyay, annagana sida aan naqaano dadkan caddaanka mindi ma isticmaalaan, oo Soomaalidaa isticmaasho, sida aniga aan ku tuhmayo in ay Soomaali yihiin,” ayuu yiri Liibaan Shire.

Liibaan Shire ayaa intaa ku daray “Marxuumka hadda meydkiisu wuxuu yaallaa Isbitaalka Kaiser, waa Isbitaalka Weyn ee Copenhagen, berri wixii ka dambeeyo ayaana la fasixi doonnaa, oo annagana aan arki doonnaa, hadduu Ilaahay yiraahdo.”

Ma cadda cidda dhabta ah ee ka dambeyso dilkaasi, waxaase la fahamsan yahay in dilalka Soomaalida dhexdooda ah ay intii muddo ahba ku soo badanayeen dalalka Reer Galbeedka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here