Home Wararka Caalamka Natiijada Doorashada Dalka Turkiga oo lagu Dhawaaqay Goor Dhow

Natiijada Doorashada Dalka Turkiga oo lagu Dhawaaqay Goor Dhow

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Guddida doorashada Turkiga ayaa ku dhawaaqay natiijadii codadka ee shalay la dhiibtay ee Madaxtooyada.

Saddexda musharrax ee ku loollamay codadkii la dhiibtay ayaa kala helay.

1: Rejeb Dayyib Erdogan 49.49%

2: Kamaal Kilicdaroglu 44.96%

3: Sinan Ogan 5.20%

Waxa muuqata in laysla tegi doono wareeg labaad kaasoo la qaban doono 28 ka bishan.

Erdogan oo hoggaaminaya codadka wareega hore ayaa ah ka haysta jaaniska ugu badan maaddama oo u baahan yahay wax ka yar 2% oo ku soo biira codadkii uu haystay.

Sidoo kale meesha uu raaco musharraxa saddexaad ee Sinan Ogan ayaa yeelan doonta miisaan aad culus maaddama oo uu helay codad guul gaadhsiin kara ciddii uu raaco.

Guud ahaan waxa beenoonay saadaashii ay warbaahinta reer Galbeedku muddooyinkan soo tebinaysay taasoo sheegay in Kamaal Kilicdaroglu uu hoggaamin doono codadka doorashada ama ku soo bixi doono wareega labaad.

Sharciga Doorashada dalkaas ayaa dhigaya in musharaxa guuleysta laga rabo inuu helo %51 iyo ka badan codadka la dhiibtay, inkastoo Erdogan uu codad badan ka horeeyo musharaxa mucaaradka haddana weli ma gaarin codadkii loo baahnaa si uu guuleysto, taasoo keeneysa in wareeg labaad la isla aado.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here