Home Wararka Maanta Sweden oo bilaabeysa Tilaabooyin ay kaga hortageyso Qaxootiga Dalka imaanaya

Sweden oo bilaabeysa Tilaabooyin ay kaga hortageyso Qaxootiga Dalka imaanaya

0
Foto: Jonas Ekströmer / TT

Sweden ayaa sheegtay inay sameyn doonto warbixino kala duwan oo laga sii deyn doono warbaahinta dalalka caalamka iyo baraha bulshada, kuwaasoo qaxootiga iyo magan-galyadoonka ku soo socdo Yurub looga digayo imaanshaha dalka Sweden.

Maria Malmer Stenergard oo ah Wasiiradda soo galootiga dalka Sweden ayaa sheegtay in dad badan oo qoxooti ah lagu soo qaldo imaanshaha Sweden, iyaga oo warbixino aan sax aheyn oo xaqiiqadda ka fog la siiyo. Loogana dhigo in wax walba ay si fudud ku heli karaan, marba haddii ay cagaha soo galiyaan Sweden.

Waxey sheegtay in dowladeedu ay sameyn doonto waxyaabo kala duwan oo qaxootiga ku adkeenaya imaanshaha iyo ku soo gadsoomida dalka Sweden.

Wasiiradda oo maqaalo kala duwan ku qortay warbaahinta dalal kala duwan ayaa sheegtay in isbadal uu ka imaaday siyaasadii qoxootiga iyo ajaaniibta ee dalka Sweden, ayna Sweden dhawaan shuruudo kala duwan ku soo rogi doonto qoxootiga dalkaas kunool, ayna kamid tahay inay si dhaqso ah u bartaan luuqadda Swedishka. sidaas darteed ay qorsheynayaan in fariintaas la gaarsiiyo meelo kala duwan, si ay u yaraato tirada dadka qoxootiga ah ee Sweden iska soo dhiibayo.

Tan iyo markii ku dhawaad sanad kahor ay xukuumadda cusub ee xisbiyada midigta la wareegeen awooda dalka Sweden, waxaa isbadal weyn uu ku yimid siyaasadii qoxootiga dalka Sweden.

Dowlada Sweden ayaa dhawaan meelmarisay xeerar badan oo u muuqdo kuwo laga soo minguuriyay dalalka Norway iyo Denmark iyo kuwa kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here