Home Wararka Caalamka Mudaaharaadyo cusub oo ka bilowday Dalka Suudaan

Mudaaharaadyo cusub oo ka bilowday Dalka Suudaan

0
Photo/AFP

Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Suudaan ee Khartoum si ay uga mudaaharaadaan taliska milateriga, iyagoo dalbanaya in askartu “ku soo laabtaan xeryaha” oo ay u guuraan xukun rayid ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibadbaxayaasha, iyagoo lulaya calamo, durbaanno iyo halku dhigyo. Wariye ka tirsan wakaalada wararka ee AFP ayaa arkay dad dhaawac ah oo ay wateen dibad baxayaasha.

Guddiga caafimaadka oo qeyb ka ah dhaq dhaqaaqa Dimuqraadiyada ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen isbitaalada ayna weerar ku qaadeen dhaqaatiirta iyo dadka dhaawaca ah.

Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay isku dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dad mudaaharaadayay intii ay socdeen mudaaharaadyadii socday tan iyo afgambigii militariga bishii Oktoobar, sida ay sheegeen guddiga caafimaadka. (TT-AFP)

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here