Home Wararka Caalamka Dhowr qof oo ku dhintay Goob Maqaayad ah oo ku Taala Congo

Dhowr qof oo ku dhintay Goob Maqaayad ah oo ku Taala Congo

0

Dhowr qof ayaa ku dhintay weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Beni ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Ugu yaraan todobo qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen falka ka dhacay maqaayad ku taal magaalada, sida ay qortay  AP .

Sida uu sheegay maayarka magaalada, laba ka mid ah dadka la dilay waa carruur.

“Dhacdadan waa la baari doonaa si loo helo kooxihii ka dambeeyay weerarkan argagaxiso,” Duqa magaalada Narcisse Muteba Kashale ayaa u sheegay AP.

Magaalada ayaa muddo dheer waxaa ka dhacayay rabshado ay geysanayeen kooxaha xagjirka ah ee Islaamiyiinta ah. Gaar ahaan kooxda xiriirka la leh IS ee ADF ee ka soo jeeda Uganda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here