Cutubyada militariga Ruushka ee isbuucyadii la soo dhaafay ku sugnaa xuduudaha Ukraine ee bariga iyo koonfurta ayaa maanta bilaabay inay dib uga baxaan.
Warka waxaa soo dhoweeyay hoggaanka Ukraine, laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Dmytro Kuleba ayaa maanta sheegay in Ruushka uu sharaxo asalka iyo sababta joogitaanka millatariga.
Wasiirka gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegay in waxaas oo dhami ay ahaayeen layli iyo jawaab ku aadan kordhinta ciidanka ee qaybta ka ah NATO ee ku dhow xadka Ruushka.
Ruushka ayaa bilihii ugu danbeeyay xiisad ku abuuray wadamada yurub kuwaasi oo ku aadan xadka Ukraine.
Wararka kale ee Maanta
AD