Home News in English Migrationsverket-ka Sweden oo kordhiyay Codsiga Deganaanshaha ee Muwaadiniinta Ingariiska

Migrationsverket-ka Sweden oo kordhiyay Codsiga Deganaanshaha ee Muwaadiniinta Ingariiska

0
Photo: Anders Wiklund / TT

Hay’ada Laanta Socdaalka Sweden ayaa maanta Shaacisay in ay kordhisay mudada Dadka Muwaadiniinta UK ku dalban karaan Deganaansha Dalka sida lagu qoray Boga Migrationsverket-ka.

30 bishan ayuu ku ekaa xiliga ay dadka muwaadiniinta UK Dalban karaan Deganaanshaha Sweden Madama uu dhigayo Sharciga u dhaxeeyay UK iyo Midowga Yurub.

Qeybta Socdaalka ayaana soo saartay in mudadaasi la kordhiyay ilaa 31 bisha December isla markana Muwaadiniinta UK iyo Qoysaskooda ay dalban karaan kuna heli karaan Deganaanshaha Wadanka.

Hay’ada ayaa intaasi ku dartay qofka aan soo codsan Deganaanshaha Wadanka ka hor 31 December uu dalka ku joogo Qaab sharci daro ah.

ugu danbeyn ayay sheegtay in mudo 3 bil ay dadka kasoo jeeda UK ay ku noolaan karaan Wadanka Sida uu dhigayo Heshiiska horay loo gaaray.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here