Home Wararka Caalamka Dab buuxinta ( scooter-ka ) oo laga Sameeyo lacag ka badan Mushaharka...

Dab buuxinta ( scooter-ka ) oo laga Sameeyo lacag ka badan Mushaharka Caadiga ee Shaqooyinka

0
Photo/Getty image

marka aad joogto Dalalka Yurub waxaa soo baxay qalabka loo yaqaano (scooter) waa adeeg kuu sahlaya in aad u raacdo goobta kuu dhow adiga oo ap-ka ka furaya kadibna ku raacaya lacag ka yar hal dollar.

Qalabkan ama mootadan nuuca korontada ku shaqeysa ee qaabka istaaga loo wado ayaa taala meel kasto ee wadanka waxana iska leh shirkadaha Tier, Voi, iyo Ryde lime iyo waliba Bolt.

Shirkadahan ayaa bilaabay in ay shaqaaleysiiyaan dad badan kuwaasi oo soo qaada mootooyinkan kadibna keena guriga si ay dabka u buuxiyaan iyagoo dib ugu celiya halkii ay kasoo qaadeen.

Mid kamid ah Dadkaasi ka helay shaqada ayaa Somaliska u sheegay in uu ka sameeyo lacag dhan 30 kun koroon oo dhow lacag 3 kun oo dollar-ka mareykanka.

Waxa uu sheegay in Habeen walbo uu soo qaado dab uu galiyo kadibna dib ugu celiyo goobaha sida basaska.

Shaqadan ayaa kaaga xiran oo kaliya in aad heysato kaarka lagu kaxeeyo gaariga.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here