Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo kasoo horjeestay Turkiga lana saftay Dowlada Giriiga

Midowga Yurub oo kasoo horjeestay Turkiga lana saftay Dowlada Giriiga

0

Midowga Yurub wuxuu ka fiirsanayaa cunaqabateyn dheeri ah oo ka dhan ah Turkiga sababo la xiriira iskahorimaadka tamarta ee bariga Mediterranean, ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada ee Midowga Josep Borrell.

Wasiirka arimaha dibada Sweden Ann Linde (S) ayaa dhankeeda ku tilmaamtay tijaabada Turkiga qoditaanka meel ka baxsan Qubrus inay tahay “mid ka soo horjeedda sharciga caalamiga ah”.

Borrell wuxuu sheegayaa in cunaqabateynta lagu soo rogi karo shaqsiyaad, maraakiib ama adeegsiga dekedaha Yurub isla markaana Midowga Yurub ay diiradda saaraan “howlaha aan u aragno inay yihiin sharci-darro”.

Bariga Mediterranean-ka, waxaa ka socda tartan loogu jiro sidii galaangal loogu heli lahaa goobaha gaaska ee dhowaan la ogaaday. Muranka dhuleed ee u dhexeeya Giriigga, Qubrus iyo Turkiga ayaa keeni kara in dagaal uu dhexmaro dhinacyada isku haya halkaasi.

Horaantii bishii Agoosto, Turkiga ayaa markab sahan ah u diray aagga lagu muransan yahay.

Wasiirada Arimaha Dibada ee Midowga Yurub ayaa kulan aan rasmi ahayn ku yeeshay magaalada Berlin khamiistii iyo jimcihii, iyagoo ka wada hadlay, waxyaabaha ay ka mid yihiin, khilaafka ka taagan badda Mediterranean-ka. 

FOTO: JOHANNA GERON/AP/TT

Wasiirka arrimaha dibedda ee sweden Ann Linde ayaa u sheegtay TT in shidaalka ay Turkigu ka qodeen meel ka baxsan Qubrus ay tahay “mid khilaafsan sharciga caalamiga ah”.

Somaliska Berlin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here