Home Wararka Maanta Sidee ayuu ku soo bilowday Khilaafka u dhaxeeya Kooxaha Gangiska ee isku...

Sidee ayuu ku soo bilowday Khilaafka u dhaxeeya Kooxaha Gangiska ee isku dila Sweden

0

mudo shan sano ayaa kasoo wareegatay khilaaf ka dhex dhashay koox gangis ah kuwaasi oo ah dhalinyaro isku meel ku soo koray khilaafkooda waxa uu keenay in ay labo u kala jabaan isla markana iska dilaan kuwa dhawaad 10 qof mudada uu jiro khilaafkooda waxay sidoo kale la baxeen labo magac Dödspatrullen och Shottaz oo mid kood laga soo guuriyay filim jamaikan ah sida warbaahinta daabacday.

Sidee ayuu Khilaafka ku soo bilowday

Waxay ahaayeen dhalinyaro isku meel ku soo koray shan sano ka hor khilaafka xoogiisa ayaana salka ku hayay kheybsiga lacag 2 milyan oo kr taasi oo ay soo dhaceen khilaafka xoogiisa ayaana yimid kadib markii mid kamid ah dhalinyarada la geeyay goob duur ah isla markana lagu toogtay halkaasi.

wixii ka danbeeyay dhacdadaasi waxay Dilalka noqdeen kuwa Silsilad oo kala ah oo marka mid la dilo kadib loo aarayo taasi oo keentay in labo wiil oo walaalo ah isku goob lagu dilo Xaaflada Rinkeby kuwaasi oo Somali ahaa dad badana ay aad uga naxeen.

Booliska Sweden ayaa isku dayay in ay joojiyaan lakin marna kuwa guuleysan joojintooda madama dhalinyarada is dileysa ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25 sano jir qaarkood ayaana dambiga lagu helay awgeed waxaa lagu xukumay mudo kooban madama ay yihiin dhalinyaro halka kuwa kale ee la qabto aysan qiraneenin dambiga.

Dilalka dhalinyarada ayaa gaaray Caasimada Denmark halkaasi oo lagu dilay labo kamid ah kuwaasi oo Somali ahaa waxana dilkooda loo xukumay 5 qof oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen.

Booliska Sweden ayaa maanta ka hadlay dhacdooyinka ugu danbeeyay iyo dilalka dhacay waxayna sheegeen in ay bilaabaayaan hab cusub oo looga hortagayo khilaafka iyo dilalka socda taasi oo qeyb ka ah in Boolis badan la dhigo goobaha ay ka socdaan rabashada.

ugu danbeyn Dilalka ka dhaca gudaha Sweden waxa ay niyad jab ku riday waalid badan oo caruur ku heesta wadanka kuwaasi oo ka cabsi qaba in caruurtooda ku biireen kooxahan ama iibinta daraagiska.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here