Home Wararka Maanta Stockholm:- 20 Sano jir u dhintay toogasho loogu geestay Xaafada Husby

Stockholm:- 20 Sano jir u dhintay toogasho loogu geestay Xaafada Husby

0

Galabnimadii maanta ayaa xaafada Husby lagu toogtay wiil dhalinyaro ah kaasi oo dadiisa lagu sheegay 20 sano jir dhaawac kasoo gaaray toogashada ayuuna u dhintay sida ay shaaciyeen booliska Sweden.

rag watay mooto ayaa falka geestay kuwaasi oo ka baxsaday goobta waxaana jira baaritaan ay sameeyeen booliska kuwaasi oo wax war ah laga soo saarin ilaa hada.

– Waxaan aruurineynaa macluumaad, waxan su’alo waydiineynaa goobjoogayal ayey tiri Anna Westberg, afhayeenka saxaafadda ee booliska Stockholm.

FOTO: STEFAN JERREVÃ…NG

Togashada ka dhacday Xaafada Husby ayaa ku soo aadeysa iyadoo maalmihii u danbeeyay ay Caasimada Stockholm ka dhaceen dhoor toogasho.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here