Home News in English Maxkamadda sare ee Britain oo go’an ka gaartay Soo galooti Si Khalad...

Maxkamadda sare ee Britain oo go’an ka gaartay Soo galooti Si Khalad ah Da’dooda loo Khiimeeyay

0

Maxkamadda sare ee Britain ayaa go’an kasoo saartay labo dhalinyaro oo ku nool dalkaasi kuwaasi oo hay’ada Soo Galootiga u qabilsan Dalkaasi ay Qiimeyn ku sameesay Da’dooda.

Labada Wiil oo dhanka Faransiiska ka galay Dalkaasi ayaa laga shakiyay da’dooda waxana lagu qiimeeyay 20 Sano jir halka markii hore isku dhiibeen 16 sano jir halka midka kale uu ahaa 17 sano jir.

Qiimeynta kadib waxaa la geeyay xaruun lagu hayo Dadka waaweyn iyagoo loola dhaqmay sida dadka Caadiga ah.

Maxkamadda sare ee Britain ayaa shaacisay in Dhalinyarada Da’dooda loo qiimeeyay si khalad ah oo aanan sax aheyn.

Go’anka Maxkamada Ayaa Sabab u noqday in Dowlada ay wax ka badasho habraaca Sharciga lagula dhaqmo dadka dhalinyarada ee isku dhiiba Da’da yar.

Dalal badan oo Caawan gaar ahaan yurub ayaa bilaabay in ay baaritaan ku sameeyeen dadka isku dhiiba Da’da yar iyadoo dhecaan laga qaado Jilibka ama Goos danbeedka lakin mararka qaar mahan mid sida saxda ah tilmaamo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here