Home News in English Tirada Dadka ku dhintay Xadka Turkiga iyo Giriiga oo Korortay Dadka Qaar...

Tirada Dadka ku dhintay Xadka Turkiga iyo Giriiga oo Korortay Dadka Qaar oo Barafoobay

0

Arbacadii, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa kow iyo toban mayd ka helay meel u dhow gobolka xadka uu la wadaago Giriiga. Qof-ka laba iyo tobnaad ah ayaa markii danbe ku dhintay isbitaalka

Arbacadii 2-dii Febraayo, saraakiisha Turkiga ayaa sheegay inay heleen meydadka sagaal muhaajiriin ah meel aan ka fogeyn xadka Giriiga. Sida ay sheegtay BBC-da ,

saraakiishu waxay ka dib billaabeen inay baaritaan ka sameeyaan goobta, waxayna heleen laba meyd oo kale iyo hal qof oo liita oo markii dambe isbitaalka ku dhintay. Meydadka ayaa laga helay meel u dhow magaalada Ipsala ee dalka Turkiga, sida ay sheegtay Aljazeera.

Khamiista, Febraayo 3, wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa ku warantay in mas’uuliyiinta Turkiga ay heleen afar meyd oo dheeri ah oo muhaajiriin ah kuwaas oo la sheegay in ay baraf ku dhinteen gobolka xadka.

Tirada Dhimashada ayaa hada kor u dhaaftay 16 Qof walina baaritaanka lama soo afjarin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here