Home Wararka Sweden Maxaa ku soo kordhay Sharciyada Mideynta qoysaska Sweden

Maxaa ku soo kordhay Sharciyada Mideynta qoysaska Sweden

0
Foto: Marcus Ericsson, Henrik Montgomery / TT

Dood ayaa ka taagan Sharciyada mideynta qoysaska ee jira waxana uu salka ku hayaa sida hay’ada laanta socdaalka ay u maareyso kiisaska qoysaska leesku keeno iyadoo dooda ay la xiriirto kadib markii lasoo bandhigay in aanan si sax loo baarin Cadeymaha qofka loo dacwoodo ama la keeno wadankan.

Xisbiga KD wuxuu ku baaqay in lagu casuumo Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka Sweden, Mikael Ribbenvik, baarlamaanka Sweden, si uu u sharaxo mowqifkeeda, ka dib markii dhaleeceyn loo jeedinayo siyaasada shaqada ee sharciyada degenaanshaha iyo hababka dib u midaynta qoysaska qaxootiga ah.

Hans Ecklind, oo ah afhayeenka siyaasada bulshada ee xisbiga Kristdemokraterna ayaa yiri “Maanta waxaan ka codsaday gudiga arimaha bulshada ee baarlamaanka inay la xiriiraan agaasimaha guud ee waaxda socdaalka, Mikael Ribbenvik, si ay uga warbixiyaan howlahaan tooska ah”.

Wuxuu intaas ku daray in hey’adda kormeerka Sweden aysan ku qanacsaneyn tayada sharciga ah ee ku aadan sida safaaradaha Sweden iyo qunsuliyadaha guud ay ula macaamilaan kiisaska magangelyada

 Warbixinta hey’adda ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan cilado culus oo ka jira shaqada hey’adda laanta socdaalka, iyadoo la tixgalinayo cadeynta aqoonsiga codsadaha si loo helo sharci degenaansho, waxayna warbixintu tixgelisay in, iyadoo la raacayo nidaamka hada jira, aysan macquul aheyn si buuxda loo xakameeyo ansaxnimada dukumiintiyada codsadaha.  

Hay’addu waxay tixgelisay in hay’addu ay si toos ah u maamusho codsiyada midaynta qoyska, yareynta ugu muhiimsanna ay tahay baaritaanka ku filan ee dukumintiyada shaqsiyadeed ee codsadayaasha, taas oo horseedi karta in laga gudbo guurka been abuurka ah iyo ka ganacsiga dadka.

Hey’adda laanta socdaalka ayaa iska difaacday dhaleeceyntan iyadoo sheegtay inaysan marnaba macquul aheyn in shaqaalaheeda ay 100% ku hubsadaan dhamaan qiimeynta kiisaska magangalyo doonka iyo deganaanshaha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here