Home Wararka Sweden Dacwada Mahad Abiib oo Waji Cusub yeelatay iyadoo Sharciga loo soo celin...

Dacwada Mahad Abiib oo Waji Cusub yeelatay iyadoo Sharciga loo soo celin karo

0

Sida ay muujinayaan Wararka ugu danbeeyay waxaa dhici karta in kiiska Mahad Abiib dib loo furo iyadoo taasi ay keeni karto in dib loogu soo celiyo Sharcigiisa wadanka.

TV-ga Norway ee TV2 ayaa baahiyay kiis Cusub oo la xiriira Mahad Abiib taasi oo ah in la helay cadeyn muujineysa Qofka loo maleenayo Mahad Abiib ee kasoo jeeda Jabuuti uu ku dhintay wadanka Jabuuti isla markana la hayo Cadeymo muujinaya Qofkaasi.

Sida wararkii hore aad la socoteen Mahad ayaa lagu heestaa in uu kasoo jeedo Dalka Jabuuti iyadoo Qoys ay walaalo yihiin ay ku noolyihiin Dalka Canada arintaasi ayaa kentay in Hay’ada UDI ee arimaha soo galootiga ay codsi u dirto Dowlada Canada iyo Mareykanka in ay ugu soo cadeeyaan Qoyska la dhashay Mahad ee Jabuutiyaanka.

Canada ayaa markaasi keentay Qoys sida la sheegay la dhashay Mahad oo ka kooban Afar Walaalo ah uuna ku jiro Mahad Abiib kaasi oo u yaraa afarta wiil ee walaalaha ah.

Hada ayaa dib loo baahiyay Warbixinta Mahad Abiib iyadoo Qareenkiisa uu sheegayo in Qofka loo maleenayo Mahad uu ku dhintay Jabuuti lana hayo cadeymo sida numberka iyo qabriga meydkiisa.

arintaan ayaa hada loo arkaa mid Mahad mar kale dib loogu soo celin karo sharcigiisa kaasi oo hada ku sugan Wadanka Faransiiska oo uu iska dhiibay.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here