Home Wararka Maanta Maxaa kala socotaa Sharciga Cusub ee Kireynta Guryaha iyo Dhibaatada ka dhalan...

Maxaa kala socotaa Sharciga Cusub ee Kireynta Guryaha iyo Dhibaatada ka dhalan karta

0
Foto: johan Nilsson

Waxaa jira Sharci Cusub kaasi oo la xiriira habka shirkadaha wadanka u kireenayaan guryaha waxana sharciga uu dhigayaa in Shirkadaha ay si xur ah u kireeyaan guryahooda.

Muran xoogan ayaa arintaasi ka jirta iyadoo xisbiyada badankooda ay kasoo horjeedaan go’anka dowlada ama xisbiyada qaar ay shirkadaha ugu ogolaanayaan in si xur ah guryahooda u kireestaan.

Tusaale maanta shirkadaha looma ogola in lacagta ay rabaan ku kireeyaan guriga ay dhisaan waxaana jira qiimo go’an marka laga reebo nawaaxiga uu guriga ka dhisanyahay.

Hadii Sharciga cusub uu dhaqan galo waxay keeni kartaa in shirkad walbo ay guryadaha ku kireeso qiimaha ay dooneyso taasi oo sabab u noqon karta in shirkadaha kale ee raqiiskana ay dhankooda ay qaali ka dhigaan guryaha.

Dood adag ayaa ka jirta arintaasi waxana xisbiyada qaar ay arintaasi ku tilmaameen dhibaato adag oo soo wajihi karta dalka.

Hogaamiyaha Xisbiga Vänsterparties Nooshi Dadgostar oo sharciga kasoo horjeeda ayaa sheegtay hadii uu dhaqangalo sharciga in dhibaato ku dhaceyso nolosha caadiga ee bulshada sweden.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here