Home Wararka Caalamka Masaafurin iyo Xabsi lagu riday Labo Dhaliyaro oo Kufsaday Gabar 13 Sano...

Masaafurin iyo Xabsi lagu riday Labo Dhaliyaro oo Kufsaday Gabar 13 Sano jir ah

0

Maxkamadda Göteborg ayaa xabsi iyo musaafurin ku xukuntay labo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay kufsi ay u geysteen gabar 13 jir ah. Dhibbanaha ayaa heli doona in ka badan nus milyan karoon oo magdhow ah.

Baaritaano waaweyn ayaa lagu sameeyay gabadhan kadib markii la waayay bishii October ee lasoo dhaafay, waxaana markii dambe la ogaaday inay kasoo carartay gurigeeda oo ku yaala Värmland una gudubtay Göteborg.

Booliisku waxay ogaadeen in nin 23 jir ah uu u galmooday gabadha Kahor intaanay u galmoonin, nin ay isyaqaaneen oo 25 jir ah kaasi oo sidoo kale galmo la sameeyay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dambiilaha uu ogaa in gabadha ay ka yar tahay 15 sano jir, sababtoo ah, tusaale ahaan, ma iibsan karin tikidhada tareenka.

Halka Eedeysanaha uu sheegay in Gabadha ay u sheegtay inay tahay 17 jir. Sida laga soo xigtay TT.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay qofkii koowaad 4 sano iyo 9 bilood oo xarig ah, halka midka labaadna lagu xukumay 3 sano iyo 4 bilood.

Waxaa lagu xukumay in qofka koowaad uu bixiyo magdhow dhan 340,000 oo kronor, halka kan labaadna uu bixiyo 240,000 kronor, iyadoo labada dhalinyarada ah laga tarxiilayo sweden

Sharciga Iswiidhishka ayaa ciqaabaya Dadka waaweyn ee u galmooda caruurta yar yar waxaana tani loo arkaa kufs

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here