Home Wararka Maanta Maxkamadda Racfaanka Mareykanka oo taageertay inuu sii socdo Sharci laga Mamnuucay Dalkaasi

Maxkamadda Racfaanka Mareykanka oo taageertay inuu sii socdo Sharci laga Mamnuucay Dalkaasi

0
Foto: Allen G. Breed / AP / NTB

Maxkamad racfaan oo federaal ah oo ku taal Mareykanka ayaa xaqiijisay in kaniiniyada ilmo soo rididda ee ay ku jiraan mifepristone lasii isticmaali karo, inkastoo ay socoto dacwad lagu mamnuucayo kaniiniga.

Maxkamad rafcaan ah oo ku taal New Orleans ayaa meel iska dhigtay qaybo ka mid ah amarkii ku meel gaadhka ahaa ee todobaadkii hore. Garsoore Matthew Kacsmaryk oo ku sugan Texas ayaa markaas go’aansaday in oggolaanshaha FDA ee mifepristone la buriyo inta dacwadda ilmo iska soo rididda la baarayo.

Si kastaba ha ahaatee, qaybo ka mid ah go’aanka Kascmaryk ayaa sii jiri doona, taas oo macnaheedu yahay dib u soo celinta xayiraadaha qaybinta kiniinka ilmo soo rididda. Xayiraadahaas ayaa la saaray 2016.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here