Home Wararka Caalamka Mareykanka oo weerar ku dilay hogaamiyaha Kataib Xizbullah

Mareykanka oo weerar ku dilay hogaamiyaha Kataib Xizbullah

0
CCTV. Foto: CCTV via AP / NTB Foto: NTB

Millatariga Mareykanka ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago ay xalay ku dileen, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Kataib Xisbullah, oo ah urur aad u hubeysan oo Ciraaqi ah balse ay taageerto Iran.

Weerarka oo ka dhacay magaalada Baghdad ee caasimadda Ciraq, ayay saraakiisha Mareykanku sheegeen in ay ku dileen, hogaamiyaha kooxda Kataib Hezbollah oo ay Washington sheegtay in ay si toos ah masuul uga aheyd, diyaarinta iyo ka qeybgalka weeraro lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Bariga Dhexe.

Warka xalay kasoo baxay Mareykanka waxaa sidoo kale lagu sheegay, in duqeynti ay ka fuliyeen Baghdad aysan dad rayid ah wax ku noqon. Ilo wareedyo kasoo baxay Ciraaq iyo Iiraan ayaa lagu sheegay, in duqeyntaasi lagu dilay Wissam Muxammad Saabir Al-Sacdi, oo ku magac dheeraa Abu Baqir Al-Saadi.

War iyaguna kasoo baxay Kataeb Hezbollah, ayaa lagu xaqiijiyay in la dilay hogaamiyihi howlgallada Suuriya ee kooxda. Waxay sheegeen inuu ku dhintay duqeyn ay la beegsadeen Mareykanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here