Home Wararka Caalamka Wararkii u dambeeyey dadaalada xabad joojinta looga hirgelinayo dagaalka Gaza

Wararkii u dambeeyey dadaalada xabad joojinta looga hirgelinayo dagaalka Gaza

0
Photo/Agencja Gazeta/via REUTERS

Dhexdhexaadiyaasha heshiis iyo xabad-joojin ay suurtagal tahay in ay ka dhaqangasho Gaza, ayaa wali xusul-duub ugu jira ka miro dhalinta dadaallada ay wadaan, kaddib marki ay Isra’il iyo Xamaas isku fahmi waayeen qorshe ay kasoo shaqeeyeen dowladaha Mareykanka, Qatar iyo Masar, kaasoo lagu doonayay in labada dhinac ay ku aqbalaan xabbad-joojin.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo wali ku sugan Bariga Dhexe, ayaa rajo ka muujiyay socod siinta heshiiska ay dhinacyadu kasoo shaqeeyeen, xilli maanta oo Khamiis ah lagu wado inuu magaalada Qahira gaaro, Khalil Al-Xayya oo ah sarkaal sare oo hogaaminaya wafdiga Xammaas u qaabilsan wadahadallada.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii diiday dalabkii ugu dambeeyay ee Xamaas, isaga oo ku tilmaamay “khayaali”.

Xammaas ayaa dhankeeda ku boorrisay dagaalyahannadeeda Gaza in ay dagaalka sii wadaan.

Dalabkaasi ayay Xamaas uga jawaabtay, qorshe xabad-joojin kasoo baxay dhex-dhexaadiyaasha riixaya xabbad-joojinta ee Qatar, Masar, iyo taliyaasha sirdoonka Mareykanka iyo Isra’il.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here