Home Wararka Caalamka Mareykanka oo diiday xabbad-joojin ka hirgasha Gaza

Mareykanka oo diiday xabbad-joojin ka hirgasha Gaza

0
Angela Weiss / AFP - Getty Images

Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar xalay la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah.

Qaraarka ayaa waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka. Mareykanka ayaa diiday halka Britian ay ka aamustay.

Cod u Qaadista Qaraarkaan ayaa Timid kadib Markii arbacadii Xoghaya Guud ee Qararmada Midoobay uu qaaday Talaabo Dhif iyo Naadir ah oo uu ku Dalbanaayo fadhi aan Caadi ahayn oo looga Hadlaayo Xabad Joojin Baniiaadanimo oo Deg Deg ah.

Danjirayaasha Dowlada isutaga Imaaraadka Carabta ayaa Durbadiiba Bilaabay inay Qaraarka Geeyaaan ururka Golaha Amaaanka Qaramada Midoobay Danjiraha imaaraadka Ayaa Sheegay in Mudo ka Yar 24 saac Gudahood uu ku helay in Ka Badan 100 Wadan oo Wax Ka Riixay Qaraarka Taa soo Muujisay Tageerada Caalamiga ah ee Joojinta Dagaalka Kasocda Gaza si loo Badnaadiyo Dad badan oo Falastiiniyiin ah.

Hasayeeshii Qaraarka ayaa Fashilmay Kadib Markii Maraykanka oo Ka Mid ah Shanta Dal ee leh Codka Diidmada Qaxayaxan uu Diiday in la Joojiyo Dagaalka.

Maraykanka ayana Qaramada Midoobay aysan Canbaarayn weerarkii Xamaas ku Qaaday israail Taas oo lagu Filay 1200 oo israailiyiin ah Sidoo kale Maraykanka ayaa Qaramada Midooba ku eedeeyey Qaramada Midoobay inay iska Indha Tiraaysa Xaquuqda reer israail ee ah inay Isdifaacdo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here