Magdalena Andersson ayaa maanta mar kale heshay codadka Barlamaanka Dalka Sweden iyadoo sidaasi ku noqotay Raisal Wasaaraha Sweden.
Andersson ayaa dhawaan xilkaasi loo doortay lakin mudo 8 saacadood kadib ayay xilkaasi ka dagtay markii mid kamid ah xisbiyada u codeeyay uu kasoo horjeestay iyada.
Xisbiyada Socialdemokraterna, Miljöpartiet, Centerpartiet iyo Vänsterpartiet ayaa u codeeyay 175 cod, halka xisbiyada Sverigedemokraterna, Libaraalka, Moderaterna iyo Kristdemokraterna ay u codeeyeen 173 cod.
Sidaasi ayayna ku noqotay Haweeneydii ugu horeesay ee taariikh-ada Raisal Wasaare ka noqoto Sweden.
Magdalena Andersson ayaa codeynta kadib la hadashey Barlamaanka waxayna sheegtay in Shaqo adag sugeyso dowladeeda isla markana hormar sameenayaan.