Home News in English Macluumaad ku saabsan Sharciga EBO ee Dowlada Sweden joojineyso

Macluumaad ku saabsan Sharciga EBO ee Dowlada Sweden joojineyso

0

Dowlada Sweden gaar ahaan Raisal Wasaaraha Dalka ayaa ka dhawaajisay dhawaan inay dooneyso meesha inay ka saarto sharciga EBO kaasi oo ay ku tilmaamtay mid dhibaato ku ah bulshada.

Waa Maxay Sharciga EBO

Sharciga ayaa ah mid Qaxootiga u siinaya Awood ku noolaashaha halka ay doonayaan waxana uu soo jiray mudo dhoor ah lakin sanadkii 2020 ayaa lagu sameeyay isbadal xoogan.

isbadalka ayaa ahaa in Qaxooti walbo oo ku cusub wadanka uu dooran karin meesha uu rabo hadii uu sidaasi uu sameeyo laga jaro lacagta caawin ee hay’ada Socdaalka Sweden.

Go’anka Dowlada ee maanta ayaa ah in meesha laga saaro sharcigan waxana bilaabanaya arimo cusub oo saameyn ku yeelanaya dadka.

Hadii Dowlada sharciga meesha ka saarto waxay noqoneysaa in qofka kasta oo dalka ku cusub ay dowlada geeneyso halka ay rabto oo ka tirsan Gobolada dalka iyadoo qofka uusan diidi karin inta sharciga uu ka helayo ama jawaabta.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here