Home Wararka Maanta Löfven: ”Heshiiska waa mid u wanaagsan Sweden iyo Midowga Yurub”

Löfven: ”Heshiiska waa mid u wanaagsan Sweden iyo Midowga Yurub”

0

Wadahadalka miisaaniyada inta uu socday shirkii Midowga Yurub ayaa adkaa laakiin natiijada ayaa noqotay mid u feecan Sweden, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Stefan Löfven (S).

– Waxaan awoodnay in aan sugno sicir-dhimista dhabta ah ee Iswidishka muddadaas oo dhan. Kuwani waa sicir-dhimistii ugu weyneyd ee Iswidish abid, ayuu yidhi.

Maalmo iyo habeenno wadaxaajood kadib, Midowga Yurub wuxuu awooday inuu ku heshiiyo miisaaniyad muddada fog iyo taageerada corona.

– Mararka qaar waxay ahayd wadaxaajood aad u adag, mararka qaarna mid cod dheer ah ayuu yidhi Stefan Löfven shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Brussels.

Löfven wuxuu heshiiska ku tilmaamay “mid u wanaagsan Sweden una fiican Yurub”.

Ugu yaraan boqolkiiba 30 miisaaniyadda muddada dheer ee EU-da ayaa lagu kharash gareenayaa deegaanka iyo cimilada, 100 bilyan oo yuuro ka badan ee miisaaniyadda ayaa lagu maalgelin doonaa miisaaniyadda cimilada, ayuu yidhi Stefan Löfven.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here