Home Wararka Maanta Lena Hallengren oo loo doortay hogaamiyaha cusub ee Xisbiga Socialdemokraterna

Lena Hallengren oo loo doortay hogaamiyaha cusub ee Xisbiga Socialdemokraterna

0
Photo/TT

wasiiradii hore ee bulshada Lena ayaa loo magacaabay Hogaanka Xisbiga S.

Lena Hallengren waxaa loo dhiibay xilka hoggaanka xisbiga Sooshal dimuqraadiga ee baarlamaanka.

Waxay leedahay karti aad u wanaagsan oo ay ku aragto xalalka ay dadka kale arkaan ayay tiri ra’iisul wasaare Magdalena Andersson.

Wasiirka arrimaha bulshada ee xilka ka sii degaya Lena Hallengren ayaa noqon doonta hogaamiyaha cusub ee kooxda S ee baarlamaanka.

Magdalena Andersson ayaa tan ku dhawaaqday shir jaraa’id oo ay qabatay.

– Lena uma baahna warbixin qoto dheer, waa hoggaamiye caan ah, oo ixtiraam ku leh baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayay tidhi.

Andersson ayaa iftiimisay awoodda Hallengren ee ah inay “hoggaamiso qalalaasaha iyo waqtiyada adag”, waxayna ammaantay dadaalladeeda intii lagu jiray masiibada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here