Home News in English Dhul-gariir ka dhacay Waqooyiga Dalka Sweden oo laga dareemaya Halkaasi

Dhul-gariir ka dhacay Waqooyiga Dalka Sweden oo laga dareemaya Halkaasi

0

Dhul-gariir lagu qiyaasay 2.2 digrii ayaa maanta barqadii ka dhacay magaalada Kiruna ee waqooyiga Sweden.

Lama sheegin cid wax ku noqotay gariirkan, waxaana dad badan oo reer Kiruna ah ay dareemeen gariirkaas, waxayna baraha bulshada ku soo qoreen in ay maqleen jug weyn, isla markaana ay dareemeen gariir guryahoodii.

Ulrika Hotanska u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ee shirkadda ayaa wargeyska Aftonbladet u sheegtay in gariirrada miinada ay inta badan la socdaan qaraxyada habeenkii, markaasoo dhagaxyada buuraleyda ah ay aad ugu nugul yihiin dhaqdhaqaaqa lakin dhulgariirka uu ka duwanyahay.

Dhulgariir lamid ah dhulgariirkan ayaa dhacay 30kii Ogosto, iyadoo aan la soo sheegin wax dhaawac ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here