Home News in English Laga Bilaabo Bisha August Dowlada oo Mamnuuceysa Simkarada aan la diiwaangalin

Laga Bilaabo Bisha August Dowlada oo Mamnuuceysa Simkarada aan la diiwaangalin

0

Laga bilaabo 1da Agoosto dalka Iswiidan, waxaa la mamnuucayaa kaararka moobilada ee qarsoodiga ah.

Xeerarkan cusub ayaa dhigaya in Dukaamada ay diiwaangaliyaan xogta qofka kaadhka sita, taas oo u sahlaysa in boolisku si fudud ula dagaallamo dembiilayaasha.

Laga bilaabo Ogosto 1, Shirkadaha ama Dukaamada waa inay diiwaangeliyaa magaca macaamiisha, ciwaanka, iyo lambarka bulshada ama lambarka aqoonsiga u dhigma, waana in la xaqiijiyaa aqoonsiga qofka.

Xeerarka waxaa loo soo bandhigay ujeedooyinka fulinta sharciga. Sida dembiilayaasha inta badan isticmaalaan kaararka prepaidka ah qarsoodi ah si ay ula xiriiraan qof aan la ogaan.
Booliiskuna waxa ay u baahan yihiin in heli karaan Qofkaasi 

Waa wax caadi ah in la isticmaalo kaadhadhka hore loo bixiyo sababtoo ah asal ahaan waa qarsoodi.
“Hadii aad kaarka ku iibsatid lacag caddaan ah, ma jiro wax xiriir ah oo lala sameeyo cidda isticmaalaysa,” ayuu yiri Anders Franzén, oo ah sarkaal ka tirsan wakaaladda boostada iyo isgaarsiinta ee PTS.
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here