Home Wararka Caalamka Cadeymo Lagu Helay Hooyo Dooneysay inay Barkin ku disho Saddexdeeda Caruur

Cadeymo Lagu Helay Hooyo Dooneysay inay Barkin ku disho Saddexdeeda Caruur

0

Maxkamadda rafcaanka ayaa maanta taageertay xukun dil ah oo lagu helay haweeney Sameesay isku day dil ah, ka dib markii ay isku dayday inay barkin ku ceejiso saddex caruur ah oo ay dhashay.

Dacwad oogayaasha ayaa haweeneyda degan gobolka Västra Götaland ku soo oogay dacwad ah in ay sameesay shan isku day dil ah oo ku aadan caruurteeda. Bishii Maajo.

maxkamadda Scarabbury waxay ku xukuntay hal dambi oo ah isku day dil. Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Racfaanka ayaa sheegtay inay jiraan caddeymo muujinaya in Haweeneydaasi ay isku dayday inay disho Saddex Carruur ah oo ay dhashay, kaddib markii ay ceejisay, waxaana ay ku xukuntay saddex dambi oo isku day dil ah.

Haweeneyda ayaa beenisay in wax dambi ah ay gashay, waxaana ay sheegtay in aysan wax danbi ah u geysan carruurta. Wax yar ka dib fal-dembiyeedka, haweeneyda lafteedu waxay wacday adeegyada degdegga ah oo ay sheegtay inay la ildaran tahay “cilmu-nafsiga dhalmada k di “. Sida uu sheegay TT.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here