Home Wararka Caalamka Denmark oo guryaha ka Saareysa Dadka Ajaanibta ee Dagan Aaga Nugul

Denmark oo guryaha ka Saareysa Dadka Ajaanibta ee Dagan Aaga Nugul

0

Isbeddel qoto dheer ayaa ka socda gobollada nugul ee Danmark , ama waxa ay siyaasiyiintu ugu yeeraan bulshooyin isbarbar socda ama gooni-gooni ah. 

Dawladda Denmark waxa ay hiigsanaysaa in ay abuurto goobo bulsho oo isku dhafan marka la gaadho 2030, iyada oo loo marayo burburin, dhismo iyo xeerar adag oo ku saabsan xorriyadda guryaha.

Shaqada duminta ayaa ka bilaaban doonta ilaa 1,000 guri oo ku yaal degmada Gellerupparken ee Aarhus. Sidoo kale, waxaa guryaha lagu dul-saaray hal-ku-dhigyo mudaaharaad ah oo ay ku qornaayeen farriimaha “Maya in la dumiyo” iyadoo dadka deegaanka qaarkood ay dacwad ka gudbiyeen. Sida laga soo xigtay SVT.

2018, baarlamaanka Denmark ayaa aqlabiyad ballaaran ku go’aamiyay in dib loo dhiso 15 goobood oo nugul.

Sababta ayaa ah in guryaha la qaaliyeeyo si Dadka aysan u helin guryahaasi isla markana ku biiraan bulshada inteeda kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here