Home Wararka Caalamka Erdogan oo Mar kale Sweden ugu hanjabay Xubanimada Ururka NATO

Erdogan oo Mar kale Sweden ugu hanjabay Xubanimada Ururka NATO

0
Photo by Adem ALTAN / AFP

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Sweden inay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo dalabkii Turkiga ee ahaa inay aqbasho xubinimada NATO.

Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay Erdogan ayaa mar kale ku hanjabay inuu joojin doono codsiga Sweden ee ku biirista NATO.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku celiyay hanjabaad ah in Sweden iyo Finland ay ka joojinayaan inay galaan NATO.

Waxa uu yiri, “Xubintu ma ahaan doonto haddii Sweden iyo Finland ay u hoggaansami waayaan dalabaadka uu Turkigu ku soo rogay labada dal ee ku saabsan tallaabooyinka la dagaallanka argagixisada.”

Sida laga soo xigtay mareegaha wararka Turkiga ee Daily Sabah, Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in “Sweden ay ku guul darreysatay inay ka dhabeyso ballan qaadkeedii”.

Sida laga soo xigtay Times of India, Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in Sweden aysan muujin “dhinaceeda ugu wanaagsan” dhawaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here