Home Wararka Maanta Lacagta laga helo Akassa-da oo la kordhiyay

Lacagta laga helo Akassa-da oo la kordhiyay

0

Dowlada ayaa kordhisay lacagta laga helo sanduuqa Akassa ee Caawiya qofka shaqo la’anta ah iyadoo qofka shaqo la’anta ah 100 maalmood uu xaq u yeelanayo helitaanka lacag gaareysa 1000 kr maalintii waana qorsho dowlada ku caawineyso dadka shaqo la’anta ku dhacday xiliga coronavirus.

Qofka shaqada ka dhamaata maanta waxa uu xaq u leeyahay in uu Akassada ka helo 760 kr maalintii lakin sida ay isku raaceen Liberalerna iyo Centerpartiet waxa uu qofka helidoonaa 1000 kr .

Waxa intaasi dheer dadka u shaqeen jiray sida kumeel gaarka ee loo yaqaano ( vikarier) iyo dadka kale ee shaqeeya saacadaha kooban ama yar in ay helidoonaan lacagta Akassada sida dowlada go’an ku gaartay.

sharcigan Cusub ee Dowlada soo saartay ayaa fursad siinaya dad badan oo heestay shaqooyin ku meel gaar ah iyo kuwa shaqeen jiray saacado kooban kuwaasi oo dhamaa.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here