Home Wararka Maanta Labo Qof oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Magaalada Götenborg

Labo Qof oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Magaalada Götenborg

0
Foto: TT

Laba haween ah ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay Götenborg Haweeney da’deeda lagu qiyaasay 85 sano ayaa dhaawac culus soo gaaray. Qof kale ayaa isna waxa uu soo gaaray dhaawac fudud. sida uu qoray wargayska Göteborgs-Posten .

Qaraxa wuxuu ka dhacay guri ku yaal Första Långgatan gaar ahaan qeybta lagu qaabilo Dadka daryeelka u baahan.

– Waxay ahayd jug weyn. Waxbaa lagu qarxiyay guriga gudihiisa, ayuu yidhi sarkaal bilays ah Thomas Fuxborg.

Booliska ayaa baaraya waxa ka dhacay guriga. Waxay yiraahdeen wuxuu noqon karaa isku day dil.

– Burbur weyn ayaa soo gaaray guriga. Sidaa waxa yidhi Serad Krmo, oo ka shaqeeya dugsiga la yidhaa Framtidsgymnasiet.

Dhowr usbuuc ka hor, dhawaq lamid ah ayaa ka dhacay isla guriga. Kadibna bam ayaa ku qarxay albaab guriga.

Somaliska Götenborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here