Home Wararka Denmark Waxaa lagu xukumay Shan sano oo Xabsi ah iyo Tarxiil Nin Somali...

Waxaa lagu xukumay Shan sano oo Xabsi ah iyo Tarxiil Nin Somali ah oo Xaaskiisa u gacan qaaday

0

Dowlada Denmark ayaa iskugu dartay Xabsi Shan sano ah iyo Musaafurin wiil Somali ah oo 22 sano jir ah kaasi oo ku dhashay Dalka Denmark isla markana ku hadli karin Luuqada Somaliga si wanaagsan.

Wiilkan Somaliga ayaa qadka internetka ka bartay gabar Ciraaq u dhalatay taasi oo ugu danbeyn noqotay xaaskiisa waxana dhoor mar u geestay fal dil ah sida isagoo sigaar uga damiyay isha.

Hooyada Gabadha oo qadka Muuqaalka kala hadashey gabadheeda ayaa aragtay dhibka gaaray gabadheeda waxayna markaasi dacweysay wiilka.

Wiilkan oo 22 sano jir ah ayaa dhoor mar oo hore geestay dambiyo kala duwan waxana xiligaasi lagu xukumay in wadanka laga saaro.

Xukunka ugu danbeeyay oo loo eegay dhibka uu gaarsiiyay Xaaskiisa ayaa sabab u noqday in lagu xukumo 5 sano oo xabsi ah iyo tarxiil lakin durba waxa uu ka qaaday racfaan.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here