Home News in English Laanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka oo sheegtay in Qaxooti badan oo Ukraine ah...

Laanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka oo sheegtay in Qaxooti badan oo Ukraine ah ay dib u laabanayaan

0

Tirokoob ay soo saartay Hay’adda Socdaalka ayaa muujisay in ilaa 45 kun oo qof oo ka soo jeeda Ukrain ay magangelyo ka codsadeen Sweden tan iyo markii uu dagaalku qarxay, halka ilaa hadda ay Sweden ka tageen ilaa 4 kun oo qof oo u socdaalay dal kale ama dib ugu laabtay Ukraine.

“Dadka Ukraine waxay ka baxayaan Sweden, iyagoo tagaya Dalkooda Ama Dalalka kale ee Yurub,” xafiiska warfaafinta ee Hay’adda Socdaalka ayaa u sheegay SVT.

Sida ay sheegtay Natalia Volkova oo u dhalatay dalka Ukrain, tiro dad ah oo reer Ukraine ah ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan dalkooda inkastoo uu dagaalku socdo. 

Waxay kaloo sheegtay Dad kale oo aaday Dalalka sida Jarmalka, Ireland iyo Kanada halkaasoo casharro luqadeed lagu bixiyo qaxootiga, taasoo siinaysa fursad wanaagsan oo ay shaqo ku helaan iyo inay la qabsadaan.

Natalia, oo 62 jir ah, ayaa ka soo qaxday Kyiv waxayna tagtay Eskilstuna horraantii bishii Maarso, sida dhammaan qaxootiga kale, waxay heshay warqad macluumaad ah oo ka timid Hay’adda Socdaalka, oo leh, “Waxaa lagaa filayaa inaad awoodo inaad naftaada masruufto.”

“Maalintii koowaad waan fahmay in aan xaq u leeyahay in aan shaqeeyo, taas oo aad u wanaagsan,” ayay tiri Natalia. Laakin maan ogeyn in aanan xaq u yeelan doonin in aan barano Swedishka. Ma garanayo qof shaqo helay isagoon luqadda aqoon.

Qoxootiga Ukraine ee yimi Iswidhan iyadoo la raacayo Awaamiirta guud ee EU xaq uma laha waxbarashada dugsiyada SFI.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here