Home News in English Xisbiyada Garabka Midig ee Dowlada Cusub soo dhisaya oo Heshiis ka gaaray...

Xisbiyada Garabka Midig ee Dowlada Cusub soo dhisaya oo Heshiis ka gaaray Arinta Socdaalka

0
Foto: Fredrik Sandberg / TT

Aftonbladet ayaa ilo xog ogaal ah ka ogaatay in xisbiyada garabka midig ay ku heshiiyeen siyaasad adag oo dhanka socdaalka ah iyo siyaasad cusub oo dambiyada ah oo keeneysa xukun xabsi oo dheer ah.

Sida ay sheegayaan wararka, booska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa qeyb ka ah gorgortan adag ka hor codeynta, maalinta Isniinta ah.
Wararka ayaa sheegaya in doorashada guddoonka baarlamaanka ay noqon doonto mid dhameystiran.

Ilaa hadda ma jiro wax jadwal ah oo ku saabsan dhamaystirka wada xaajoodka xisbiyada ee ku saabsan xukuumadda iyo mowqifkeeda.

Waxa laga yaabaa inay qaadato wakhti, laga yaabee dhawr toddobaad, in la dhiso dawlad, laakiin hubaal ma aha 134 maalmood, si lamid ah dowladii hore sida ay ilaha muhiimka u sheegeen Aftonbladet.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here