Home News in English Xisbiga Socialdemokraterna oo Sharuud ku xiray Afayeenka Barlamaanka oo kasoo jeeda Dhanka...

Xisbiga Socialdemokraterna oo Sharuud ku xiray Afayeenka Barlamaanka oo kasoo jeeda Dhanka Moderatka

0
Photo/Jonas Ekströmer / TT

Xisbiga S ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in xisbiga Moderatka uu la wareego baarlamaanka, waase haddii xisbiga M uu la galo wada hadal arrintan ku saabsan.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno is-afgarad ballaaran oo ku saabsan jagada Barlamaanka,” Ra’iisul Wasaare Magdalena Andersson ayaa tiri sidaasi.

Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa lagu wadaa in Baarlamaanka uu u codeeyo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee xilliga soo socda. 

Guddoonka baarlamaanka ayaa qeyb ka ah wada xaajoodka dowladda ee ka dhex socda xisbiga Ulf Kristersson, xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa ku doodaya in uu yahay xisbiga ugu weyn ee dowladda soo socota.

Xisbiga S ayaa hadda soo gelaya gorgortanka wada xaajoodka, wuxuuna soo jeedinayaa in xisbiyada Moderaterna iyo Socialist ay ka tashadaan guddoonka baarlamaanka. Ra’iisul wasaaraha xilka ka degaya Magdalena Andersson ayaa arrintan kala xiriirtay Ulf.

Andersson waxa uu tilmaamay in guddoomiyaha baarlamaanka uu door muhiim ah ku leeyahay dhismaha dowladda, balse sidoo kale ay muhiim u tahay booqashooyinka dibadda, taasoo muhiim u noqon doonta xilliga Sweden ay hoggaanka u hayso Midowga Yurub horraanta sanadka soo socda.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan si wax ku ool ah ugu biirinno afhayeenka baarlamaanka oo taageero ballaaran ku yeelan kara,” ayay tiri Andersson.

Xisbiga S ayaa qaba mabda’a ah in jagada afhayeenka baarlamaanka uu qabto xisbiga ugu weyn baarlamaanka. Magdalena Anderssson waxay hadda u furtay albaabka inay ka tagto mabda’an.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here