Home Wararka Maanta Ingiriiska oo soo bandhigay Goobaha uu ka furayo wadanka iyo Taariikh-da

Ingiriiska oo soo bandhigay Goobaha uu ka furayo wadanka iyo Taariikh-da

0

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay dib u fureyso wadanka gaar ahaan timajarayaasha, dukaamada, jimicsiyada – iyo goobaha banaanka ee lagu baashaalo.

Johnson wuxuu sheegay inuu isagu tagi doono baarka sida ugu dhakhsaha badan marka uu furmo.

– Isniinta 12- bisha waxaan tagi doonaa baarka , ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska.

Tan macnaheedu waxa weeye in tillaabooyinka dib-u-furista Ingiriiska loo fulin doono sidii loo qorsheeyey.

Ingiriisku wuxuu rabaa inuu furo waxyaalaha ugu badan 21-ka Juun ee sannadkan. Hadday taasi dhacdo, waxay kuxirantahay labada xaaladood infekshanka, feyrasyada isbadalay.

Johnson wuxuu yiri Isniinta ma jiraan wax xog ah oo tilaameysa in uu dhacay isbadal qaabka furitaanka wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here