Home Wararka Maanta Booliska Norway oo Gurigiisa ka helay Meydka Nin 9 Sano ka hor...

Booliska Norway oo Gurigiisa ka helay Meydka Nin 9 Sano ka hor dhintay ( Muran ka dhashay dhacdadan )

0

Booliska Norwey waxay ka heleen nin meyd ah gurigiisa dhexdiisa, laakiin arinta layaabka leh ayaa ah in laga joogo 9 sano geeridiisa, iyadoo aan cidna ka warqabin, arintaas oo muran baaxad leh ka dhalisay Norway.

Sida laga soo xigtay wargayska Dagens Nehter ee uu ka soo xigtay TV-ga Norway, geerida ninka, oo ku dhintay da’da 68, ayaa la ogaaday ka dib markii maareeyaha guryaha uu ku wargaliyay bilayska in saraakiisha dayactirka ay isku dayeen inay la xiriiraan sannadihii la soo dhaafay ninkaasi, si loo sameeyo shaqo Dayactirka gurigiisa, laakiin isaga oo aan wax jawaab ah ka helin.

Ninkan ayay dadka deriska la ah bariga magaalada Oslo ku tilmaameen inuu yahay keligiis ah.

Sida ku xusan dib u eegista TV-ga Norway, ninku wuxuu yimid Oslo ilaa lixdameeyadii qarnigii la soo dhaafay, wuxuuna guursaday labo jeer, wuxuuna dhalay dhowr caruur ah, laakiin ma jirin wax xiriir ah.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here