Home Wararka Caalamka Turkiga oo dib u celinaya Muhaajiriinta u soo gudbaya Yurub

Turkiga oo dib u celinaya Muhaajiriinta u soo gudbaya Yurub

0

Heshiiska Midowga Yurub uu la galay Turkiga ee ku aadan in la joojiyo qaxootiga iyo muhaajiriinta ka tagaya xeebaha dalka ayaa loo badinayaa in dib loo cusbooneysiin doono,

Heshiiska ayaa la Cusbooneysiin doonaa xitaa hadii Turkiga uusan ka helin dhamaan lacagtii ay ka heleen Midowga Yurub heshiiskii 2016-kii isla markaana Turkiga uusan joojin dhamaan qaxootiga.

Madaxda Midowga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel ayaa la kulmi doona madaxweynaha Turkiga Erdogan maalinta talaadada ah iyagoo ka wada hadli doona arrimaha socdaalka iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Ku dhowaad afar milyan oo qaxooti Suuriyaan ah ayaa ku nool Turkiga, oo lagu daray dad badan oo reer Afghanistan iyo Ciraaqiyiin ah, oo Midowga Yurub uu doonayo inuu joojiyo imaatinka marka cudurka corona dhamaado ama yaraado.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here