Home Wararka Maanta Heerka Shaqo la’anta Sweden oo wali aad u sii kordheysa Dadka dibada...

Heerka Shaqo la’anta Sweden oo wali aad u sii kordheysa Dadka dibada ku dhashay oo ugu badan

0

Xafiiska Shaqada Sweden ee arbetsförmedlingen ayaa shaaca ka qaaday in heerka shaqo la’anta dalka ay wali aad u sii kordheyso waxana uu xafiiska intaasi ku daray in Dadka ugu badan ee shaqo la’anta ay yihiin dadka ku dhashay Dalka dibadiisa iyo kuwa kale ee Xirfad la’anta ah.

Martin waa gabadh kasoo jeeda Dalka Afganistan waxay raadineysay shaqo nadaafada ah iyo shaqooyin kale lakin ugu danbeyn ayay ka quusatay.

”Waxaan raadiyay Shaqooyin badan oo gaaraya 20 lakin midna ma helin Xagaagan ma aqaan waxaan sameeyo waayo way igu adagtahay bixinta kirada guriga iyo Cunada” Martin ayaa sidaasi sheegtay Raadiyaha dowlada.

bishii june waxaa shaqo laan’in ku dhacday 9 boqolkiiba waana 11 kun oo Shaqaalo ah lakin shaqaalahaasi sadax meel ayaa kasoo tagay shirkadaha Dalka Caasimada Stockholm ayaana ugu badan dadka shaqada ka tagay.

Shaqada ugu badan ayaana waxaa ka tagay Dadka ku dhashay Dalka dibadiisa kuwaasi oo aanan laheen xirfado sidaasi u badan.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here