Home News in English Cali Waxaa loo diiday Sharciga Sweden lakin Waxa uu helay Sharciga France...

Cali Waxaa loo diiday Sharciga Sweden lakin Waxa uu helay Sharciga France (Qiso Xajiib ah)

0

Qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada Afqaanistaan ​​ee aan waalidkooda la socon ayaa yimid Sweden xilligii dhibaatada qaxootiga ee sanadkii 2015 waxana markaasi loo diiday sharciga Sweden, laakiin waxay markale iska dhiibeen faransiiska oo magangalyo ka helaan

”Sweden Waxaan ka helay sedex diidmo hey’adda laanta socdaalka. Iskuulna ma sii wadan karin madama aan heesto diidmo, waxaan go aansaday inaan ka tago oo aado Faransiiska” ayuu yiri Cali oo Qiso Cajiib ah qabsatay.

wiilkan dhalinyarada ah ee lagu magacaabo Cali wuxuu yimid Sweden sanadkii 2015 kadib markii uu ka soo qaxay Afghanistan. Wuxuu jiray 16 sano jir wuxuuna xiriir la lahaa gabar isla da’daasi ah  lakin markii danbe uu nin kale ka guursaday.

Hanjabaado ayaa loo geestay Cali oo ka tirsan kooxda Hazaras ee la takooray, xalka markaasi u furnaa ayaa ahaa in naftiisa uu lasoo cararo.

Wuxuu yimid Iswidhan. Wuxuu baranayay kalkaaliye caafimaad dugsi sare oo ku yaal waqooyiga Sweden, lakin maalin ayuu helay farriinta diidmada oo ka timid laanta socdaalka. Ma uusan ka soo bixin shuruudaha sharciga cusub ee dugsiga sare.

Wuxuu codsaday racfaan laakiin waa la diiday seddex jeer taasi ayaana soo xirtay buugiisa rajaada Sweden sida Somaliska.com xogta ku heleyso waxaa jira dad badan oo sidaasi oo kale qabsatay isla markana dalka iskaga tagay.

Wuxuu doortay inuu mar kale cararo. Wuxuu aaday Faransiiska oo xitaa Faransiiska  waa la diiday markiisa hore, maxaa yeelay wuxuu horey u joogay Sweden oo uu faro ka lahaa.

– Mas’uuliyiinta Faransiiska waxay yiraahdeen waxaad ku laaban doontaa Sweden. Kadib waxaan qabsaday qareen  waxaan aaday maxkamada si aan racfaan uga qaato. Haddii aan dib ugu laabto Sweden, si toos ah ayey dib iigu celin doonaan Afgaanistaan.

Cali wuxuu hadda heystaa Sharci deganaansho afar sano ah wuxuuna mar kale ka bilaabay nolol magaalada Marseille.

Dalka Afgaanistaan ​​ayaa hadda ah kooxda ugu badan ee qaxootiga ee Faransiiska ku nool , ku dhawaad 10,000 oo codsiyada magangalyo ayaa sanadkii hore la diiwaan galiyay.

Ilaa iyo hadda, dadka intiisa badan waa loo oggol yahay inay joogaan, laakiin baarlamaanka Faransiiska ayaa doonaya inuu kordhiyo sidii dadkaasi loogu celin lahaa Dalka Afghanistan.

Somaliska Stockhom

Xigasho / Radiosverige qeybta Af-swedhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here