Home Wararka Maanta Dhalinyarada 18 Sano jirka oo xabsi daa’in lagu xukumi karo ( Hindise...

Dhalinyarada 18 Sano jirka oo xabsi daa’in lagu xukumi karo ( Hindise Cusub oo Dowlada soo jeedisay )

0

Dowlada Sweden ayaa qorsheeneysa in Xabsi daa’in lagu xukumo dhalinyarada 18 sano jirka ah iyo wixii ka weyn marka ay geestaan danbi halis ah madama maanta Dhalinyarada 18 sano jirka ilaa 21 sano lagu xukumo xabsi kooban ama ciqaab fudud.

ku dhawaad 300 boqol oo xabsi ayay Dowlada dhiseysaa kuwaasi oo ku kaceyso 450 kun oo milyan Hadii Dowlada ku guuleysato Sharcigan Cusub ee ciqaabta adag loogu geesan karo dhalinyarada gaar ahaan kuwa geesta Dambiyada culus.

Sharcigii hore ee Dhalinyarada u dhaxeysa 15 ilaa 17 sano jir ee xeerka qibaabta ayaana waxba laga badalin marka la eego sharciga kale ee lagu soo kordhiyay xeerka ciqaabta ee dhalinyarada.

Dalka Sweden ayaa kamid ah wadamada midowga yurub kuwooda sida aadka u ilaaliya xaquuqda dhalinyarada lakin sanadihii ugu danbeeyay waxaa jiray dhalinyaro kuwaasi oo koox koox u geesta dilal dhexdooda ah halka ay dhaceen xaruumo muhiim ah oo dalka ku yaalla.

Xisbiyada ugu weyn ee Dalka ayaana dhoor jeer ka hadlay kooxaha gangiska iyo toogashooyinka ka dhaca Dalka iyagoo qodobkooda ugu horeeya ee dhanka doorashada ka dhiga in ay wax ka qabanayaan kooxaha gangiska.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here