Home Wararka Maanta Hadii aad Shaqo raadineyso u wareeg Waqooyiga Sweden ” Wasiirka Shaqada Eva...

Hadii aad Shaqo raadineyso u wareeg Waqooyiga Sweden ” Wasiirka Shaqada Eva Nordmark

0

Wasiirka Shaqada Eva Nordmark ayaa ku boorisay dadka shaqo la’aanta ah inay u guuraan Woqooyiga Norrland, iyadoo ku nuuxnuuxsatay inay jiraan shaqooyin badan oo ka jira woqooyiga, sababo la xiriira joogitaanka maalgashiyo warshadeed oo aad u waaweyn sida warshadda batteriga ee Shelvetio, iyo  isbuunshka birta ah” warshadda wax soo saarka ee Yalivare.

Xafiiska Shaqada ayaa ku qiyaasey tirada dadka shaqo la’aanta ah ee muddada dheer (in ka badan 12 bilood) sannadkan ilaa 200,000 oo qof, iyagoo ugu baaqey dowladda inay ka shaqeyso yareynta heerka shaqo la’aanta muddada-dheer iyo weligeedba sii kordheysa.

Dhanka kale, Nordmark ayaa shir jaraa’id oo ay maanta qabatay waxay ku muujisay rajo wanaagsan oo ku saabsan suuqa shaqada ee Iswiidhan, iyagoo xusay in ganacsatadii ganacsigu ay dib ugu noqdeen shaqadii mar kale. Sida uu soo xigtay TT.

“Kuwa shaqo doonka ah, tani waxay noqon kartaa waqti fiican oo loo dhaqaaqo waqooyiga,” ayay tiri Nordmark.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here