Home Wararka Maanta Booliska Sweden oo nin sitay Toorey ku toogtay Karlstad

Booliska Sweden oo nin sitay Toorey ku toogtay Karlstad

0

Nin da’diisa lagu qiyaasay 50 sano ayaa boolisku lugta kaga toogteen magaalo ku taal degmada Karlstad. Lama oga sida uu ninkani u dhaawacmay, laakiin waxaa lagu qaaday Ambalaas oo loo qaaday cisbitaalka.

Booliska ayaa lagu wargaliyay abaaro 16.30 mssnys. Goobjoogayaal ayaa sheegay in uu jiro nin sita toorey kaasi oo ku weeraray qof kale inkastoo uu badbaaday qofkaasi.

Waxyar kadib Falkaasi Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in ninkaasi ay ka toogteen lugta.

Ma cada waxa keenay in ninka uu sito ama uu qaato tooreyda. Si kastaba ha noqotee, way cadahay in kiiska lagu wareejin doono waaxda si baaritaano gaar ah loogu sameeyo, taas oo ah mid caadi ah markii booliisku adeegsado hubkooda.

Somaliska Gotenborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here