Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Barlamaanka oo u Xilsaaray Magdalena Andersson dhismaha Dowlada Cusub

Gudoomiyaha Barlamaanka oo u Xilsaaray Magdalena Andersson dhismaha Dowlada Cusub

0

Afhayeenka baarlamaanka Andreas Norlen ayaa u magacaabay madaxa xisbiga Sooshal dimuqraadiga Magdalena Andersson, wax yar ka hor, dhismaha dowladda, ka dib markii uu is casilay Stefan löfven shalay.

Norlenn ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri “Waa dhismo dowladeed oo taariikhi ah, sababtoo ah waxay ahayd inaan dowladda soo dhisno 3 jeer tan iyo doorashadii 2018, waxaan hadda dooraneynaa ra’iisul wasaarihii 34-aad ee taariikhda dalka”.

Andershon waxay haysataa ilaa 10-ka subaxnimo Talaadada soo socota, si ay ugu dhawaaqdo natiijada dadaalkeeda ku aaddan soo dhisida dowlad. Waxay codsan kartaa kordhin haddii ay u baahan tahay wakhti dheeraad ah. Haddii ay ku guul darreysato in ay soo dhisto xukuumadda, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa howshaas u dhiibi doona madaxa xisbi kale. Saddex isku day oo fashilmay ka dib, waxaa suurta gal ah in doorasho dheeri ah lagu qabto dalka.

Haddii Andersson uu u codeeyo iyada baarlamaanka dhexdiisa, kulanka doorashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhici kara 18-ka November. Haddii baarlamaanka uu ansixiyo doorashadeeda, xukuumadda cusub ayaa la soo dhisi doonaa 22-ka November.

Magdalena Andersson ayaa ka faallootay go’aanka lagu magacaabay iyada qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, kaas oo ay ku tidhi, “Waxaan diyaar u ahay, shaqadeyda si aan taageero u helona hadda way bilaabantay. Hadda waxaan ku casuumay gudoomiyaha xisbiga Bidixda Noshi Dadgostar wada hadal.”

 Andersson ayaa goor sii horeysay oo maanta ah sheegtay in ay wado cad u dejin doonto Sweden hadii ay noqoto ra’iisul wasaare.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here