Home Wararka Maanta Göteborg: Boolis lagu toogtay Magaalada Göteborg oo u dhintay Dhaawaca soo gaaray

Göteborg: Boolis lagu toogtay Magaalada Göteborg oo u dhintay Dhaawaca soo gaaray

0
Foto: Bjˆrn Larsson Rosvall / TT

Caasimada Labaad ee Dalka Sweden Göteborg ayaa lagu toogtay Qof Boolis ah waana dhacdadii ugu Xanuunka Badneyd ee soo marta Booliska.

Shalay Galanki danbe ayaa Askariga Booliska lagu toogtay Nawaaxiga Biskopsgården oo ay daganyihiin Kooxaha Gangiska toogashada kadib ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka Halkaasi oo uu ku dhintay.

” waa murugo weyn in naloo sheegay dhimashada Qof kamid ah Asxaabteena ” ayuu yiri Anders Thornberg oo ah Madaxa Booliska ee Göteborg.

Maanta Abaaro 12 Duhurnimo ayaa loo sameyndoonaa Qadar aamusnaan ah oo lagu xusayo Dhimashadiisa.

Lama oga Kooxda ka danbeysa Dilka Askarigan Booliska Madama Halka uu Falka ka dhacay ay tahay Goob labo Koox oo gangis ah ay isku heestaan.

Somaliska Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here