Home Wararka Maanta Booliska Sweden oo Shaaciyay in la Qabtay Qofkii ka danbeeyay Dilka Booliska

Booliska Sweden oo Shaaciyay in la Qabtay Qofkii ka danbeeyay Dilka Booliska

0
Foto: Bjˆrn Larsson Rosvall / TT

ugu danbeyn Booliska Sweden ayaa shaaciyay maanta in la qabtay qofkii ka danbeeyay dilka loo geestay Askari ka tirsan Booliska Talaadada aan soo dhaafnay.

Booliska ayaa sheegay in qof 17 sano jir ah loo qabtay dilka kaasi oo looga shakisanyahay waxana intaasi ay ku dareen in Dadka Deegaanka ay ka caawiyeen Qabashadiisa.

Anna Berkvist oo madax ka aheyd baaritaanka ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay maanta ku sheegtay in Qofka loo qabtay Dilka oo 17 sano jir ah uu ku noolaa Nawaaxiga lagu dilay Askariga.

Askariga Booliska lagu dilay Toogashada ayaa da’diisa aheyd 33 sano jir dhawaan ku soo biiray shaqada falka ayaana ka dhacay Biskopsgarden.

Dilkiisa waxana uu gilgilay Dadka Reer Sweden waxana ka hadlay Raisal Wasaaraha Sweden Stefan Löfven isagoo ku tilmaamay mid lagu weeraray sharciga wadanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here