Home Wararka Maanta Go’an Cusub oo laga soo saaray Lacagta Kaalmada ee dadka aanan Shaqeyn...

Go’an Cusub oo laga soo saaray Lacagta Kaalmada ee dadka aanan Shaqeyn karin Xiliga Corona

0

Dowladda Iswiidhan waxay go’aansatay inay kordhiso kaalmada ay u fidiso dadka aan awoodin inay shaqeeyaan sababo la xiriira halista infekshinka Corona, illaa iyo inta howsha tallaalku ka dhammaato.

“Dhankayaga, waxaa muhiim ah inaan gaarsiino fariintan inaanan joojin doonin kaalmada ilaa talaalka la dhameystiro,” Wasiirka Amniga Bulshada, Ardalan Chakarabi ayaa u sheegay Radio Ekot.

Dadka ku jira kooxda halista iyo qaraabada qaarkood waxay ka dalban karaan kaalmada lacageed Hay’ada Caymiska Bulshada ee Iswiidhan haddii ay la kulmaan khataro dheeraad ah.

Ku dhawaaqiddu waxay ku saleysan tahay is-afgarad dhexmara dhinacyada heshiiskii Janawari, taageeradaasna horay ayaa loo ballaariyay dhowr jeer.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here